SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

AMISOM oo Ka Hadlay Sababaha ay Ciidamada Ethopia kaga Baxayaan Soomaliya

Taliska AMISOM ee Soomaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha ka bixitaanka Ciidamada Ethopia qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda simba ayaa sheegay in arin haysata Ciidamada Malatariga Ethopia ay kaga baxayaan Saldhigyadii ay ku sugnaayeen mudooyinkii dambe sidaas darteed ay xiligaan ku howlan yihiin buuxinta saldhigyada ay beeneeyeen.

“AMISOM waxa ay qaabayneysaa goobaha ay ka baxeen ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayna qabsadeen kooxaha kasoo horjeedo dowladda in aynu ka shaqeyno amniga deegaanadaasi si aynu u xaqiijinayo amaanka shacabka halkaasi kunool, Sababaha Ciidamada Ethiopia ay ugu baxeen goobahaasi waa arimo la xiriiro carqaladaha cusub ee ka jira dalka Ethiopia balse AMISOM Waxaa ka go’an in goobahaasi ay ciidamo ay geeyaan”, ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet.

Ciidamada Malatariga dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom ayaa todobaadkaan gudihiisa isaga baxay degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan, iyagoo sidoo kale horey ugu baxay deegaano kale oo ka tirsan Gobolada Hiiraan, Bakool iyo Galgaduud.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®