SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Cumar C/rashiid oo Maanta tagaya Magaalada Gaalkacyo ee Colaadu ka oogantahey

Wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa maanta lagu wadaa in uu Gaaro Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo ah Magaalo ay maalmihii dambe kuwada dagaalamayeen Ciidamo kala taabacsan taabacsan Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Madaxtooyada Maaulka Puntland ayaa idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in ay socoto qaban-qaabada uu Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke uu ugu amba-baxayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa shalay lagu waday in uu gaaro Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug balse waxa uu ugu baaqday arrimo la xiriira loolankiisa kurisga aqalka sare oo shalay maamulka Puntland uu ku dhawaaqay.

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayay Dowladda Soomaliya u wakiilatay in uu xaliyo Colaada u dhaxeeysa Maamulada Puntland iyo Galmudug maalmihii aynu soo dhaafnay kulamo waxa uu la qaatay Madaxweynayaasha Maamuladaas isagoo kala hadlay sida loo xalin karo Colaada Gaalkacyo.

Dhanka kale Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Amniga dawlad Goboleedka Galmudug Mudane Cismaan Ciise nuur Taardhuleed ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo maalmihii dambe ay kuwada dagaalameen Ciidamo kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®