SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

AMISOM oo ku Dishay 6 Qofood oo isku qoys ah Gobolka Shabellaha Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Madfac ay rideen Ciidamada AMISOM ay Qoys ka koobnaa Siddeed Ruux uu Lix kamid ah Qoyskaasi Dilay Madfaca islamarkaana dhaawacay illaa Labo kale.

Qoyska uu ku dhacay Madfaca ayaa degenaa Tuulada Faranga oo 5-KM u jirta Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Guddoomiyaha Degaanka Shalaanbood Nuur Cismaan Raage ayaa sheegay in Madfaca ay rideen Ciidamada AMISOM islamarkaana uu ku Habsaday Qoyska ka Koobnaa 8 Ruux oo Lix kamid ah ay Goobta ku dhinteen,halka Labada kale uu Dhaawac Halis ah soo gaaray.

AMISOM weli wax war ah kama soo saarin Duqeynta Ciidamadooda ay ku dileen Qoyska Degenaa Duleedka Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana ay noqdeen kuwo soo laab laabta Dadka Rayidka ah ee ay Dilaan Ciidamada Midawga Afrika ee Soomaaliya jooga.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®