SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Booliska Kenya oo sheegay in ay Qabteen Nin ay ku sheegeen in uu ka tirsanyahey Al Shabaab

Booliska Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen Nin la aaminsan yahay in uu tirsan yahay Xarakada Al Shabaab.

Saraakiisha amaanka ee Magaalada Mombasa ayaa sheegay in ay su’aallo weydiinayaan eedeysane Rama Cali, kaasi oo lagu xiray Degaanka Mrima, waxaana Ninkan la sheegay in uu la socday 3 kale oo ka baxsaday gacanta Booliska.

Taliyaha Ciidamada Booliska Willy Simba ayaa waxuu tilmaamay in tuhmane Rama uu tababaro ku soo qaatay Xeryaha Al Shabaab, islamarkaana uu ku soo laabtay Dalka Kenya, si buu yiri uu u fuliyo weeraro ka dhan ah Magaalada Mombasa.

Waxaa uu Taliyaha intaasi ku daray in Ninkan haatan su’aalo lagu weydiinayo saldhig ku yaalla Degaanka Likoni ee Magaalada Mombasa, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay soo qabashada kuwa kale ee baxsaday.

Dalka Kenya ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca Weeraro ka dhasha khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo inta badan ay mas’uuliyadooda dhabarka u ritaan Xarakada Al Shabaab.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®