SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Burcad Dhac iyo Kufsi ka billaabay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya Burcad Habeenkii Guryaha ugu soo gashay iyadoo farsamo gaar ah Isticmaalaya.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan ayaa sheegay in Burcaddaan oo sida uu sheegay Hubeysan ay raxan raxan u soo weeraraan Guryahooda iyagoo iska dhigayo Cidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya xilli aanu jirin wax dares iyo Aqoonsiyo lagu garan karo.

Dhinaca kale qof kale oo deegaanka ah ayaa isna sheegay in marka laga soo dhaca Baahsan ee ay geystaan raggaasi ay jiraan falal kufsi oo ay kula kaceen Dumar ka mid ah dadka degan Xaafadaha Burcaddaasi ay ka dillaaceen.

Dhibanayaashaasi ka cabanaya Dhibaatooyinka kala soo gudboonaaday Burcaddaasi ayaa sidoo kale sheegay in Cabsi aawgeed xafadahaasi qaarkood laga barakacay maadaama sida ay sheegeen xiriiro ay la sameeyeen Hay’adaha Ammaanka iyo maamulka degmada Hodan aanu jirin wax laga qabtay Cabashadooda.

Si kastaba tani ayaa waji gabax ku ah Hay’adaha ammaanka gaar ahaan maamulka degmada Hodan iyo Saraakiisha Ammaanka degmadaasi maadaama iyadoo la isku muujinayo Ciidamada dowladda la dhibaateynayo dad shacab ah islamarkaana aanu jirin wax tallaabo ah oo ay uga hortagayaan arrimahaasi.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®