SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
05/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dowlada oo Dooneysa in la doorto Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele ee shalay lagu dhawaaqay

Xogyahay Joogtada ah ee Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in Wasaarada arimaha gudaha ay ku dadaali doonto in 15 Bishaan in la doorto Madaxweynaha maamulka laga dhisaayo magaalada Jowhar ee loogu magacaabo Hirshabeele.

Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in howlaha maamulka ay marayaan in meel gabagaba ah , islamarkaana ay ansixiyeen Magacii maamulka, Calankii iyo sidoo kale Dastuurkii.

Pro Yaxye Cali Ibraahim oo ah xoghayaha joogtada ee wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dadka degan labada gobol ay u dhan yihiin maamulka laga dhisaayo Jowhar.

Maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka taagan khilaaf siyaasadeed oo sameyn ku yeeshay Shirka.

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa ku shirsan magaalada Baledweyne , waxaana ay sheegeen in ay dhisaanayaan maamul u gaar ah.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®