SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
04/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

QM oo Wakiil u soo magacowday Dalka Soomaaliya


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay BanK moon ayaa Isniintii ku dhawaaqay magacaabista Hubert Price, ah sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray ciidamada Qalabka sida ee dowladda Mareykanka in uu noqdo madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa wariyeyaasha u sheegay in Hubert Price uu aqoon dheer u leeyahay ka shaqeynta iyo sidoo kale dar dargalinta howlaha Qaramada Midoobay ee Qaarada Afrika.

Afhayeenka ayaa sheegay Hubert Price in uu waxbadan uu ka badali doono xaalada dadka Soomaaliyeed iyo sidoo kale in uu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya xilli ay dalka ka bilaabayaan howlaha Doorashooyinka.

Hubert Price ayaa Madax ka soo noqday xafiiska Qaramada Midoobey ee dalka Liberia intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2015.

Hubert Price ayaa dhankiisa warbaahinta u sheegay in uu waxbadan ka qaban doono Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa sidoo kale balan qaaday in uu dar dar galin doono howlaha xafiiska.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®