SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Howgallo ka socda degmada Buur-hakaba ka dib qaraxyadii shaay ka dhacey


Maamulka degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay wadaan howgallo kala duwan oo ay kula dagaalamayaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada hoos yimaada degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.

Gudoomiyaha degmada Buur-hakaba Maxamed Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay maalmihii lasoo dhaafay ay wadeen howgallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayo amniga deegaanada hoos yimaada degmada Buurhakaba.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay u diyaarsan yihiin in ay weeraraan goobaha ay joogaan Xarakada Al-Shabaab.

Hadalka kasoo baxay Gudoomiyaha degmada Buurhakaba ayaa kusoo beegmaya xilli shalay ciidanka dowladda Soomaaliya 2 Qarax lagula eegtay duleedka magaalada Buur-hakaba xilli ay wadeen Baaritaano amniga lagu xaqiijinaayo.

Inta la xaqjiiyay Qaraxyadaasi ayaa waxaa ku dhintay 1 Askari, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 4 Qof oo kale, kuwaas oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®