SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xildhibaan Xaaf oo eedeyn u jeediyey Dowladaha Imaaraatka iyo Mareykanka taageerda ay siiyaan Puntland

Xildhibaan Max’ed Ducaale Geele Xaaf oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya oo la Hadlay idaacada simba ayaa ku eedeeyay Dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Mareykanka in ay Ciidamo Meleeshiyo beeleedyo ah ay ku tababarayaan Gobolka Bari.

Xildhibaanka Max’ed Ducaale Geele Xaaf ayaa tilmaamay in Ciidamada lagu Tababaraayo Gobolka Bari ee Maleeshiyo beeleed ah ay ku baxdo Lacago lagu qiyaasay Seddex iyo afar Malyan islamarkaana loogu talagalay in lagu weeraro qabiil waa siduu hadal u dhigee.

“Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Mareykanka waxa ay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ay ku diyaarinayaan Ciidamo Maleeshiyo beeleed ah kuwaasi oo ay ku baxdo lacago lagu qiyaasay 3-million ilaa afar Million oo Dollar, waa Ciidamo haysto hub aad u fara badan ujeedka ay ka leeyihiin dowladaha Imaaraadka iyo Mareykanka waa in lagu weeraro Qabiil”, ayuu yiri Xildhibaan Max’ed Ducaale Geele Xaaf.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®