SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wasaaradda Gaadiidka oo amar kusoo rogtay Gaadiidleyda


Wasaarada Gaadiidka ee dowladda Soomaaliya ayaa amar cusub duldhigtay dhammaan gaadiidleyda ka howgalaha gudaha dalka Soomaaliya.

Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka Cali Gacal ayaa sheegay in dhammaan Gaadiidleyda looga baahan yahay in ay galaan ceymis , waxaana uu xusay Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka in hadii ay galaan Ceymis Gaadiidleyda in ay ka helaayaan Faaidooyinka duwan.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan in ciidanka Taraafida dowladda Soomaaliya in ay gacanta kusoo dhigaan cidii fulin waysa arintaasi.

Wasaarada Gaadiidka ayaa sidoo kale sheegay in ay ku daadaali doono sidii arintaasi ay ku hirgali laheyd , islamarkaana ay Qarash badan ku bixin doonaan in ay Gaadiidleyda ay galaan ceymiska.

Taliyaha Ciidanka Waddooyinka Cabdinaasir Dalab ayaa sheegay in Ciidamada Taraafikada ay ku amran yihiin in ay fuliyaan howshaasi , waxaana uu sheegay in ciidanka Taraafida degmooyinka Gobolka Banaadir lagu amri doono in ay qaadaan tilaabadaasi.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®