SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Raisulwasaare ku-xigeenka Soomaliya oo Beledweyne Kula kumaya Odayaasha Reer Hiiraan

Wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaliya mudane Maxamed Cumar Carte oo shalay gaaray Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa haatan halkaas kulamo kula qaadanaya Mas’uuliyiinta iyo Waxgaradka reer Hiiraan.

Kulamo ayaa la sheegay in inta badan diirada Lagu saarayo sidii odoyaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ay ugu qeyb gali lahaayeen Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe oo gogashiisu ay taalo Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kulanka waxaa ka qeyb galaya Raisulwasaare ku-xigeenka Soomaliya, Wasiru dowlaha Wasarada Arrimaha Gudaha Xukumada Soomaliya C/rashiid Xidig ,Afayeenka Xukumada Soomaliya, Saraakiil Ka Socota Safaradda Jabuuti ee Soomaliya, iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah ugaaska beesha Xawaadle.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo horay uga hor-yimid shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa marar badan eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh maxamuud, isagoo diiday in Hiiraan lagu daro Shabeelaha Dhexe, si maamul mideysan labada gobol loogu dhiso.

Shirkii Madasha Wadatashiga ee dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho waxaa lagu ansixiyay in Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble uu yahay duubka Beesha Xawaadle ugu jira liiska asalka ah ee Odayaasha Dhaqanka ee 135-ta, maadaama ay beeshiisu si rasmi ah u caleema saartay, waxaana lagu beddelay Cumar Ugaas Muumin, iskastoo uu arintaas ka yor yimid.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®