SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Kenya oo Cafis u Fidisay Dhalinyarada Kenyaan ah oo Al shabaab ka tirsanaa

Kenya ayaa sheegtay in ay waqti kordhin u samaysay cafiska ay u fidinayso muwaadiniinta Kenyatiga ah ee kujira Xarakada Al shabaab.

Dhalinyaradaan Kenyanka ah ee ku biiraya Al shabaab ayaa waxaa dowlada Kenya ay sheegtay in ay sabab u tahay dhaqaalo xumo haysta.

Nelson Marwa oo ah xiriiriyaha Gobolka xeebta ayaa waxaa uu tilmaamay in dawladu ay siiwadi doonto dhaqan celinta ay u samaynayso muwaadiniinta kasoo laabanaya Xarakada Al shabaab.

Marwa oo la hadlaysay Capital FM ayaa waxaa uu sheegay in ay ugaraabayaan dhalinta doonaya in ay dib usoo laabtaan,waxaana uu sheegay in aysan suurtagal ahayn in ay la dagaalamaan dawlada.

Barnaamijkaan cafiska ah ee loogu yaboohay dhalinyarada ku biirtay alshabaab ayaa waxaa bilaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Minister Joseph Nkaissery sanadkii March 2015-tii.

Sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudha ee dalka Kenya illaa iyo bishii March sanadkii 2015, 1,000 ayaa iskusoo dhiibay dawlada Kenya kuwaas oo dhaqancelin loosameeyay.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®