SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ergooyinka ka Qeyb Galayay Shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe khilafkii oo La Xaliyay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa ku Guuleystay in ay xaliyaan Cabashooyinka ay soo gudbiyeen ergooyinka ka qeyb galaya shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo shalay gabi ahaanba isaga baxay Howlka Shirka ee Magaalada Jowhar.

Kulamo xalay ay wada qaateen Madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya, Urur Goboleedka IGAD iyo Ergooyinka ayaa la isku afgartay in la xaliyo Tabashooyinka islamarkaana lasii amba qaado howlaha Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe.

Sababta ay isaga baxeen Shalay Ergooyinkii ka qeyb galayay Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya ay Ergooyinka u sheegtay in aysan jirin dhaqaalo loogu talagalay in la siiyo Ergada.

Ergada ayaa maanta Guda galaysa ka doodista Dastuurka uu yeelan doono Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®