SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maxamed Cabdi Afeey oo loo magacaabay xil cusub

War shalay kasoo baxay golaha ammaanka Qaramada Midoobey ayaa markii ugu horeeysay lagu magacaabay wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobeey u qaabilsanaan doona Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.

Madaxa Hay’adda UNCHR Filippo Grandi ayaa sheegay Maxamed Cabdi Afeey oo noqon doono wakiilka Gaar ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsanaan doona Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in sababta rasmiga ee loo magacaabay Maxamed Cabdi Afeey in ay tahay in uu kasoo warbixiyo xaalada Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Dhadhaab.

Maxamed Cabdi Afeey ayaa ah wakiilka urur goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa horay loogu eedeeyay in ay dhibaatooyin kala duwan ay u geysatay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in ay Qaxootiga ay ku qasabtay in ay xoog ku laabtaan dalkooda.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®