SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujiyay dib u dhaca Doorashooyinka Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan dib u dhaca ku yimid Doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaana Goluha ay ugu baaqeen dhinacyada ku shuqulka leh Doorashada in ay dadajiyaan Doorashada ayna hir geliyaan go’aannada ku qotomada Doorashooyinkaasi.

Sidoo kale Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa soo jeediyay in Doorashadaasi la filayo in ay noqoto mid u dhacda hufnaan iyo cadaalad intaba.

“ haddii si Cadaalad ah ay u dhacaan Doorashooyinka waxa ay Taariikhda u geli doonta waddana Soomaaliya” ayaa Golaha Ammaanka bayaankooda lagu sheegay.

Hadalka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegmaya kadib markii ay ka dhageysteen Warbixin la xiriirta Arrimaha Soomaaliya oo Doorashooyinka ay qeyb ka tahay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®