SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/10/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maanta oo Xiisad weyn oo dagaal laga Dareemayo Bariga gobolka Mudug oo u dhexeysa Puntland iyo Galmudug

Wararka naga soo gaaraya Bariga gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay ka taagan xiisad u dhaxeysa maamulada Puntland iyo sidoo kale Galmudug.

Deegaanka Jeexdin iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada ayaa lagu soo waramaya in ay gaareen ciidamo aad u farabadan oo ka kala tagay labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo.

Deegaanka Jeexdin iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada ayaa laga dareemaya xiisad dagaal iyadoona deegaanadiisa dadkii kunoolaa ay iska carareen.

Cabdinuur oo ka mid ah dadka kunool deegaanka Jeexdin ayaa sheegay in la dareemayo cabsi weyn oo ah inuu dagaal uu ka dhaco deegaanadeeda , maxaa yeelay waxaana dareemaynaa abaabul ay wadaan labada dhinac marka dadkii deganaa jeexdin iyo miyigeeda way guureen , xoolihii ayay la carareen” ayuu Yiri Cabdinuur oo ka mid ah dadka kunool deegaanada Jeexdin.

Dhawaan ayay aheyd markii diyaarado dagaal ay duqeyn u geysteen saldhig ciidanka dowlad goboleed Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Jeexdin ee bariga gobolka Mudug.

Labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka socda kulamo kala duwan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®