SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
30/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maamulka Gobolka Banaadir oo hakiyay ceymiskii laga qaadi jiray Gaadiidleyda

Iyadoo Shalay Gaadiidleyda gobolka Banaadir ay ku dhawaaqeen shaqo joojin ka dib markii ay sheegeen in laga qaadaayo lacago aad u farabadan oo aysan awoodin ayaa arintaas waxaa ka hadlay maamulka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo la hadlay Warbaahinta xalay ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu joojiyay Ceymiskii Sharci darada ahaa ee laga qaadi jiray gaadiidleyda gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in ay tixgalinayaan cabashada ay qabaan gaadiidleyda Muqdisho.

Gaadiidleyda Muqdisho oo shaqo joojin ku dhaqaaqay shalay Waxa ay sheegeen in ay dhib ku qabaan lacago xad dhaaf ah oo laga qaado Gaadiidleyda, taas oo aan waxba loogu qaban, inkastoo lacagaha Maamulka Gobolka Banaadir uu qaado wadooyinka lagu dhiso.

Gaadiidleyda ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in hada ay soo baxday shirkad cusub oo Takaaful la yiraahdo, taas oo si cad Gaadiidleyda uga qaada lacago ay ku sheegeen Ceymis, waxaana ay sheegeen in ay adeegsanayaan Ciidanka Dowladda Federaalka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®