SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
30/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Digniin cusub oo Kenya ay ka soo saartay Al-Shabaab

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa ka digay weeraro ay geystaan Al-Shabaab oo ka dhaca gobolka Waqooyi Bari ee dalka iyo sidoo kale Magaalooyinka dalka Kenya.

Joseph Boinnet taliyaha guud ee ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qorsheynayaan in weeraro ay ku qaadaan degaanada Hida iyo Dambala ee dalka Kenya , islamarkaana ciidanka dowladda Kenya ee halkaasi jooga looga baahan yahay in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ka cabsi qabaan weeraro ka yimaada Xarakada Al-Shabaab oo ka dhaca Magaalooyinka dalka Kenya.

Taliyaha ayaa ugu baaqay ciidanka joogga saldhigyada dalka Kenya in ay muujiyaan Feejignaan dheeri ah madaam ay suurta gal tahay in Xarakada Al-Shabaab ay kusoo qaadaan weeraro gaadmo ah.

Waxaa uu sheegay Joseph Boinnet in dowladda Kenya ay laba jibaartay howgallada ay ka wado xadka Soomaaliya iyo Kenya ka dib markii ay kordheen weerarada ay qaadayaan Al-Shabaab.

Sikastaba dhawaan ayay aheyd markii dowladda Kenya boqolaal ka mid ah Askarteeda ay soo dhoobtay Xadka ay wadaagaan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in si weyn loo adkeeyay ammaanka xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya , islamarkaana ciidankeeda ay wadaan howgallo lagu baadigoobaayo dagaalyahanada ka tirsan Shabaab ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®