SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
29/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ciidamo Kumaandoos ah oo xalay weerar xoogan ku qaaday Xarun ay Al Shabaab Deganaayeen oo ku yaal Gobolka Sh/ Hoose

Ciidamada Kumaandoosta dowladda Soomaaliya ee ku xareysan Garoonka Balidoogle oo ay wehliyaan ciidamo Ajaanib ah aya xalay waxa ay weerar ku qaadeen deegaanka Tooro-tooroow ee ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegay in dagaal uu ka dhacay deegaanka Tooro-toorow oo ay weerareen ciidamada Kumaadoota ah waxana deegaankasi ku sugnaa Ciidamada Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo ay ka qeybqaateen diyaaradaha dagaalka, waxana ay tilmaameen qiiq fara badan laga arkayo goobta uu tooska u saameeyey weerarka oo aheyd goob ay dagan yihiin Al Shabaab.

Dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Tooro-toorow ayaa socday muddo saacadaha waxana la sheegay in markii danbe ay ciidamadii kumaandoosta ahaa ee weerarka fuliyay ee dib u soo laabteen.

Qasaaraha dagaalkasi ka dhashay iyo natiijada ay ciidamada dowladda ka gaareen ayaan la ogeyn, madam isgaariisnta deegaanka lagu dagaalamay ay hawada ka maqan tahay, isla markaana ay adag tahay in xog dhab ah laga ogaado dagaalka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Kumaandoosta ku sugan Garoonka Balidoogle ay weerar ku qaadaan Magaalooyin ay ku sugan yihiin Xarakada Al Shabaab.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®