SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
29/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha Jubba-land oo La Kulmay Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo xubno la socdey

Madaxweynaha Jubb-aland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa kulan la qaatay Guddiga Adeega garsoorka oo uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ibraahim Iidle Saleebaan oo maalmahan ku sugnaa Magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Xubnahan kasocda Guddiga Adeega garsoorka waxaa kale oo kamid ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir, iyo xeer ilaaliyayaal kale.

Madaxweynaha Jubba-land Axmed Maxamed Islaam ayaa Guddiga ka dhagastay waxyaabahii ay ku arkeen Xarumaha Adeega garsoorka Jubaland oo ay maalmahan kormeer ku samaynayeen iyadoo sidoo kale Madaxweynahu uu Magaalada Kismaayo ka siiyay dhul laga dhisayo Xarunta Adeega garsoorka ee Dowlad Goboleedyada.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir, oo gaba gabadii Saxaafada la hadlay ayaa amaanay sida ay u shaqeeyaan Gudiga garsoorka Jubaland oo uu sheegay in ay ku bogaadinayaan hawsha ay hayaan isagoo hoosta ka xariiqay in ay samayn doonan wada shaqayn toos ah oo dhex mari doonta Gudiga Adeega garsoorka Qaranka iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®