SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
29/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ciidamada Puntland oo u Ruqaansaday Degmada Qandala ee Gobolka Bari

Ciidamo aad u fara badan oo ka Tirsan Puntland ayaa habeenkii xalay ahaa u ruqaansaday dhanka degmada Qandala ee Gobolka Bari, oo bishii hore ay qabsadeen dagaalyahano taabacsan kooxda Daacish Soomaliya.

Dadka ku nool degaannka Timirshe oo dhinaca Bari ka xiga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadan oo wata gawaari gaashaaman ay kusii jeedeen dhinaca magaalada Qandala oo wali ay ku xoogan yihiin dagaalyahano taabacsan kooxda Daacish Soomaliya.

Dhanka kale dagaalyahanada taabacsan kooxda Daacish Soomaliya ayaa lagu soo waramayaa in tan iyo xalay ay halkaas ka wadeen dhadhaqaayo ciidan oo ay ku doonayaan in ay ku difaacdaan degmada Qandala ee Gobolka Bari.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®