SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
29/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faahfaahinta howgal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa xalay howgal ka sameeyay degmooyin kala ah Deyniile,Hurwaa iyo Yaaqshid, waxaana howgalkaasi lagu baaraayay gaadiidka sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad suggida Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaarada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howgalka lagu xaqiijinaayay ammaanka degmooyinkaasi ,madam ay jiraan xogo kala duwan oo dadka shacabka ah ay u soo gudbinayaan laamaha amniga dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in goobahaasi ay ku tuhmaayan in ay joogaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo doonaaya in ay weeraraan xarumaha dowladda.

Cabdikaamil Macalin Shukri Afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan howgallada ay wadaan Magaalada Muqdisho , si looga hortago weerarada ay geysanayaan Al-Shabaab.

Magaalada Muqdisho maalmihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal iyo qaraxyo lala beegsanayay Mas’uuliyiinta Dowladda iyo dad shacab ah, kuwaas inta badn Mas’uuliyadooda ay sheegtaan Shabaab.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®