SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
29/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dowlada Shiinaha oo lacag ugu deeqay ciidamada AMISOM

Dowladda Shiinaha ayaa lacag ugu deeqday ciidanka Midowga Afrika ee ka howgala gudaha Soomaaliya ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano AMISOM.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay muhiinm tahay in la taageero ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee howgalka ka wadda Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha ayaa ugu deeqday $ 1.2 Million oo dollar Ciidanka AMISOM, Waxaana lacagtaasi loogu tala galay qalabeynta iyo tababarada ciidanka AMISOM.

Ismail Chergui oo ah Guddoomiyaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay dowladda Shiinaha ay ugu deeqday lacag dhan 1.2 Million oo dollar oo loogu tala galay in lagu hormariyo ciidanka Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.

Dowladda China ayaa sidoo kale sheegtay in ay taageerayso dadaalada Nabada loogu raadinaayo Soomaaliya.

Ciidanka AMISOM ayaa maalinba maalinta ka dambeeysa la kulmaya weeraro ka imaanaya Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®