SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
28/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Guddiga Doorashooyinka oo sheegay in aan lacag loo adeegsan doorashada Cadaado

Iyadoo muddooyinkii dambe eedeymo kala duwan loo jeedinayay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Maamul Goboleed ee Galmudug islamarkaana lagu eedeynayay in ay la safteen musharaxiintii u tartameysay kuraasta Aqalka Sare ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Guddiga Doorashooyinka.

Afhayeenka ayaa been abuur waxuu ku tilmaamay in musuq maasuq ay ku soo baxeen qaar ka mid ah musharaxiintii ka tartameysay Magaalada Cadaado, isagoona xusay in wax lacag ah aan loo adeegsan doorashooyinkaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in ay jiraan cabashooyin ay qabaan beelaha ka soo jeeda Degaanada Gobolka Galgaduud, taasi oo ku aadan 23-ka kursiga ee lagu doortay Magaalada Cadaado.

Sikastaba, ergooyinka ku sugan Cadaado iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Degaanada Gobolka Galgaduud ayaa edeymo kala duwan u jeedinayay Guddiga Doorashooyinka, taasi oo ku saabsan in musuq lagu sameeyay doorashooyinkii ka socda halkaasi.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®