SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
28/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ethopia oo Soomaliya Ka taageereysa Doorashada in ay Si Nabad galyo ah Dhacdo

War kasoo baxay Dowladda Ethopia ayaa lagu sheegay in Ethopia ay Soomaliya ka caawin doonto sidii si nabad galyo ah ugu dhici lahaayeen doorashooyinka Madaxtinimo ee sanadkaan 2016-ka lagu wado in Soomaliya ay ka dhacaan.

Inkastoo Ciidamada Ethopia ee aan qeybta ka aheyn Midowga Afrika ee Amisom ay ka baxayn qeybo kamid ah magaalooyinka Gobolada dalka Soomaliya islamarkaana ay la wareegeen dagaalyahanada Xarakadala Al-shabaab ayaa dowladda Ethopia waxa ay tilmaamtay in ay ka go’an tahay in Soomaliya laga caawiyo in cagaheeda isku tagto.

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo booqasho ku tagay dalka Ehopia ayaa kulamo la qaatay madaxda dalkaas arrimaha uu kala hadlay ayaa u badnaa xoojinta xiriirka labada dal, iyo sidii Soomaliya loogu gacan siin lahaa in doorshooyinka ay si nabad galyo ah ugu dhacaan.

Afhayeen u Hadlay wasaaradda Arrimaha Dibada dowladda Ethopia oo lagu magacaabo Tewolde Mulgeta oo kulanka goob joog ka ahaa ayaa sheegay in madaxda Ehopia iyo Soomaliya ay aad ugu wada hadleen arrimaha Soomaliya gaar ahaan dhanka Doorashooyinaka sanadkaan 2016-ka dhacaya.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili dowladda Ethopia ay Soomaliya kala baxday tiro kamid ah Ciidmadeeda oo ay sheegtay in aysan kamid aheyd Howgalka Amisom goobihii ay ka baxeyn waxaa durbadiiba la wareegay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Dhanka kale Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar C/rashiid ayaa dowladda Ethopia ugu mahadceliyay Taageerada ay Soomaliya la garab taagan tahay xiligaan.

Soomaliya waxaa sanadkaan ka dhacaya doorasho, waxa xilka Madaxweynaha Soomaliya u taagan sida la xaqiijiyay 18-musharax waana taariikhda markii ugu horeysay ay isa soo sharaxaan tiro intaas la eg, Soomaliya waxaa sidoo kale sanadkaan ka dhacaya doorasho dadban sida dalka loo gaarsiiyo Federaal sanadka 2020-ka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®