SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
28/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

20 Ruux oo ku dhintay Dagaalkii ka dhacay Gobolka Mudug iyo saakey oo wali uu jiro dhaqdhaqaaq

Dagaalkan oo ahaa mid xoogan, una dhaxeeyay Xarakada Al Shabaab iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa waxuu markale ka dhacay Degaanka Dumaya ee Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Xoogag ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen maleeshiyaad hubeysan oo ku sugnaa Degaanka Dumaya.

Degaanka Dumaya ayaa qiyaas ahaan 50Km waxuu u jiraa Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ee bartamaha Dalka Soomaaliya.

Dadka Degaanka qaarkood ayaa xaqiijiyay in Dagaalkaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 20 Ruux oo ka kala tirsanaa labada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyay ee Saaka laga helayo Degaanka Dumaya ayaa sheegaya in markale uu halkaasi ka qarxay Dagaal culus.

Dagaalkan aya waxaa soo qaaday maleeshiyaadka hubeysan maadaama halkaasi Xalay ay Dagaal kula wareegeen Xubno ka tirsan Ururka al Shabaab.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®