SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
28/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dalka Mareykanaka oo Masaajiddo waraaqo hajabaad ah loo diray

Haween Muslimiin ah oo Maraykan ah
Urur ay leeyihiin muslimiinta Maraykanku ayaa sheegay in warqad kooban oo isku mid ah loo diray saddex masaajid oo ku yaalla gobolka California, warqadaas oo hadalka ku qorani ku tilmaamay Muslimiinta dad wasakh ahoo maan gaaban, isla markaana ku wargelisay in ay shandadahooda ka xidhxidhaan Maraykanka.

Warqaddan farriinta nacaybka ah ku xardhanayd ayaa sidoo kale waxay ammaantay madaxweynaha la doortay Donald Trump waxaana ay sheegtay inuu nadiifin doono Maraykanka.

Ururka oo la yidhaa gohala xidhiidhka Muslimiinta Maraykanka, ayaa ku baaqay in boolisku baadho waxa uu ay ku tilmaameen talaabo cagajuglayn diineed ah.

Intii uu ololaha doorashada ku jiray, Trump wuxu sheegay in uu Muslimiinta ka mamnuuci doono in ay galaan Maraykanka ilaa inta laga ogaanayo waxa uu ku sheegay sababta tiro badan oo Muslimiinta ka mid ahi ay u taageeraan colaadda loo qabo dadka Maraykanka ah.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®