SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
23/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dowlada Colombia oo ka shaqeneyso heshiis cusub

Dagaalka sokeeye ee dalka Kolombiya oo u dhaxeeya falaagada FARC iyo dowlada oo socday 50kii sano ee la soo dhaafay ayaa galabsaday noolasha dad gaaraya 200 kun oo qof.

Afti la qaaday bishii octobar oo la doonayey in lagu meel mariyo heshiis socday muddo afar sanno ah ayaa waxa ka hor yimi shacabka dalkaas, arrintaas oo ka yaabisay dad badan.

Dadka dhaliilay heshiiskani oo uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Mr Alvaro ayaa waxaa uu sheegay in qorshaha la soo jeediyay ay ka qabaan walaac badan madaama ay jiraan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqd aadanaha.

Waxaana ila iyo imika taagan xabad joojintii ay ku heshiyeen labada dhinac , taas oo laga yaabo in ay Burburto hadii lagu fashilmo wada hadalada nabada.

Madaxweynaha dalka Kolombiya Juan Manuel Santos ayaa ku dhawaaqay heshiis hor leh oo labada dhinac ay saxiixi doonaan todobadkan , waxaana inta kaddib loo gudbin doona aqalka sare ee barlamaanka ee dalkaasi si loo meel mariyo heshiskani .Talabadaasi na waxaa walaac ka muujiyay Mucaaradka dalka oo iyagu ku edeeyay Madaxweyne Santoos in uu ka talaabsaday go`anka shacabka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®