SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
23/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo ka hadlay Garsoorka dalka

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku raja weyn yihiin in ay dib u soo celiyaan kala dambeyntii iyo sidoo kale shaqooyinkii ay ka qaban jireen Maxkamadaha dalka.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in qofkaste oo Soomaali ah uu helo Cadaalad ku filan.

Waxaa uu sheegay in Maxkamada Sare ee dalka ay diyaar u tahay in ay dib usoo celiso nidaam dacwadeedkii dalka.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay haboon tahay in laga tago waxii hore , islamarkaana hada ay ku dadaali doonaan sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli la haayeen Garsoor hufan.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa maalmihii lasoo dhaafay shaqada ka joojiyay Garsoorayaal ka tirsanaa Maxkamadaha dalka , waxaana ka mid ahaa dadkii shaqada laga joojiyay Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®