SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
23/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Al-Shabab oo la sheegay in ay Galeen Tuulada Haluqa ee Gaarisa katirsan

Wararka ka imanaya tuulada Haluqa oo ka tirsan Gobolka Gaarisa ee Kenya ayaa sheegaya in Al-ShabAab ay Galeen muddo kooban.

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay dadka deegaanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay bam ku tuureen birta telefoonnada ee shirkadda Safaricom taasi oo goysay isgaadhsiintii.

Al-Shabaab ayaa iyagu sheegtay dhinacooda inay maleeshiyadoodu qabsadeen tuulada kadib markii ay dhowr jiho kasoo weerareen.

Al-Shabaab ayaa weerarro is-daba joog ah ka gaysata gudaha dalka Kenya, waxayna weerarradaasi wadeen tan iyo intii dawladda Kenya ay ciidamada usoo dirtay Soomaaliya.

Weerarrada kuwa ugu xoogganayaa ayaa ka kala dhacay magaalada Nairobi oo weerarkii Westgate ee bishii Sebtember 2013-kii ay ku dhinteen ku dhowaad 70 qof.

Sidoo kale weerar dhacay bishii April 2015-ka oo lala beegsaday Jaamacadda Garissa University ayaa ay ku dhinteen ku dhowaad 150 qof oo u badan ardaydii jaamacadda.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®