SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
23/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maraykanka oo sheegay in uu khaarajiyey sarkaal ka tirsanaa Al Qaacida

Dayaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanka ayaa dilay Abu Afghan Al Masri.

Maraykanka ayaa sheegay in dayaaradahooda bilaa duuliyaha ah ay Suuriya ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al Qaacida, kaasoo hore uga soo hawl galay Afgaanistaan.

Afhayeenka waaxda gaashaandhigga ee Maraykanka, Peter Cook, ayaa magaca sarkaalkaas ku sheegay Abu Afghan Al Masri, wuxuuna intaa ku daray in Jimcihii lagu dilay meel u dhow Sarmada oo ku taalla waqooyiga galbeed ee Suuriya.

Mr Cook wuxuu sheegay in sarkaalkaas oo Masar u dhashay uu xiriir la lahaa koox Maraykanka iyo xulafadiisa ku weerartay Afgaanistaan, iyo qolooyin kale oo maleegayey weerarro ka dhan ah reer galbeedka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®