SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
23/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Uganda oo sheegtey in ay xirtay dad Al-Shabaab lagu tuhmay

Ciidanka ammaanka dalka Uganda ayaa xiray dad looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Ka dib howgal ka dhacay xadka u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Uganda ayaa lagu soo qabtay nin lagu magacaabo Maxamed Cabdi oo la sheegay in uu gacan saar la leeyahay Al-Shabaab.

Maxamed Cabdi Cali ayaa waxaa xiray xafiiska socdaalka dalka Uganda ee degmada Busia ee ku taalla xadka ay wadaagaan labadal.

Nelson Nahabwe taliyaha bilayska degmada Busia ayaa sheegay in ninkaan computerkiisa ay ka heleen waxyaabo muujinaaya in ninkaasi uu gacan saar la leeyahay xarakada Al-Shabaab.

” Ninkaan ka dib markii aan ka qabanay xadka u dhaxeeya Kenya iyo Uganda waxaan ka helnay computerkiisa waxyaabo muujinaaya in uu gacan saar wanaagsan la leeyahay shabaab ,marka waxaa uu doonayay in uu tago Kampala ka dib uu kasii aado Koonfur Afrika , hada waxaan u gudbinay maxkamada la dagaalanka Argagixisada ee ku taalla Kampala ” sidaas waxaa yiri taliyaha ciidanka Booliska degmada Busia Nelson Nahabwe.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dadka kale oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan Shabaab oo ay gacanta ku hayaan ,islamarkaana ay saxaafada u soo bandhigi doonaan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®