SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
22/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maraykanka oo walaac ka muujiyay Ammaanka Ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya

Taliska Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ay sii kordheyso khataraha ay wajahayaan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Dalka Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa taageero kala duwan siiya Xoogaga Dowladda Fedeeraalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM markii ay qaadayaan howlgallada ka dhanka ah Xarakada al Shabaab.

Taliyaha Taliska Africom, Thomas Waldhauser ayaa waxuu sheegay in Ciidamadooda ay wajahayaan khataro marka Dagaalka lagula jiro Xarakada Al Shabaab.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in Ciidamada Mareykanka ay isku diyeen in ay qaadaan weeraro toos ah oo lagu beegsanayo Xarumaha tababarka iyo khuburada u sameeya waxyaabaha qarxa Xarakad Al Shabaab.

Sikastaba, Diyaaradaha Mareykanka ayaa mararka qaarkood weeraro xoogan ka fuliya qeybo ka mid ah Degaanada dhaca Koonfurta Dalka Soomliya, halkaasi oo la aaminsan yahay in ay ku sugan yihiin Xarakada Al Shabaab.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®