SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
22/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Soomali Ka Ganacsaneysey Qaadka oo Dalka Mareykanka lagu xukumay

Maxkamad ku taala dalka Mareykanka ayaa xukuno xabsi ah ku riday Oday Soomaali ah iyo wiil dhalinyaro ah kadib markii ay ku cadaatey in ay ku lug lahaayeen ka ganacsiga muqaadaraadka loo yaqaan Qaadka.

Odaygaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Maxamed O.Samatar oo 62 sano jir ah ayaa bartamihii sanadkii hore waxay booliiska gobolka Illinois ee dalkaas Mareykanka ay ka qabteen wadada xilli uu gaari uu ku raran yahay Qaad uu lahaa ninkaas uu ku waday nin lagu magacaabo Cawil Aadan oo 28 sano jir ah labadaan nin oo ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Booliiska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota dalka Mareynka oo ragaan qabtay dhawaan waxa ay istaajiyeen baabuurkooda ka dib markii ay ka shakiyeen qaabka qaldan ee ay wadada ugu socdeen iyadoona baaritaan ka dib laga helay gaariga ragaas qaad gaaraayo ilaa iyo 70 kilo oo ay ugu talagaleen inay iibiyaan.

Qareenka u doodaya raggaan ayaa sheegay inuu xukunkaas uu yahay mid adag maadaama uu qaadka yahay dhaqan dadka Soomaaliyeed ay isticmaalaan islamarkaana maxkamadda loogu baahan yahay in ay dib u fiiriso xukunka ay riday.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®