SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
21/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Al-shabaab oo sheegtey in Dil iyo Weerar Qorshaysan ay Xalay Ka geysteen Muqdisho

War kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan Ciidamadooda ay dileen sarkal ka tirsanaa Ciidanada sirdoonka dowladda Soomaliya kadib weerar qorshaysan oo ka dhacay Xaafadda Siinaay ee degmada Warta-nabada.

Al-shabaab waxa ay sheegeen in rag ayaga ka tirsan ay toogteen Col. Daahir Cumar oo (Tubta-weyne) ku magac dheeraa wuxuuna kamid ahaa saraakiisha sarsare ee sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaliya.

Sidoo kale Al-shabaab waxa ay sheegeen in dagaalyahano ayaga ka tirsn ay weerar ku qaadeen saldhig melleteri oo Ciidamo katirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaliya ay ku leeyihiin dhismaha Warshadda Barafuunka ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amaanka dowladda Soomaliya ay kaga hadlaan dilka iyo weerarka qorshaysan ee xalay ka dhacay degmooyinka Heliwaa ee Warta-nabada ee Gobolka Banaadir.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®