SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
21/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Sharcidaro Lagu Tilmaamay Shaqo ka Joojintii Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir

Abukaate C/waaxid Cismaan Xaaji oo ka mid ah Qareenada Somaliyeed ayaa sharcidaro ku tilmaamay go’aanka uu Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim iidle Suleymaan uu shaqadii ugu joojiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Dr. Xaashi Cilmi Nuur.


Abukaate C/waaxid Cismaan Xaaji oo ka mid ah Qareenada Somaliyeed , ayaa isagu sheegay in shaqo joojintaasi aanay waafaqsanayn sharciga.

“Shaqo joojinta lagu sameeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ma waafaqsana sharciga, mana jirto meel ay kaga taalo sharciga. Waxaan cadeynayaa inaysan waafaqsanayn Xeer Nidaamka Garsoorka.” Ayuu yiri Abukaate Xaaji oo la hadlay Universaltv.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, mudane Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa Digreeto uu soo saaray dhawaan si ku meel gaar ihi shaqadii uga joojiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, sababo ku aadan inaanu shaqada si habsami leh u gudan, isla-markaana ay jiraan shaqooyin badan oo is dulsaaran.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®