SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
21/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wareegi kowaad ee doorashada mucaaradka Fransiiska oo soo idlaatay Madaxweynihii hore Nicolas Sarkozy oo hawada lagu cuney.

Labo nin oo horay xilka Raisul wazaaraha kasoo qabtay dalka Fransiiska ayaa wareega labaad ku tartami doona si go'aan looga gaadho Musharaxa doorashada sanadka dambe ugu tartami doono xisbiga midigta dhexe.

Francois Fillon and Alain Juppé ayaa kala noqday Musharaxa kowaad iyo kan labaad ee doorashooinka xisbiga Republikanka.

Madaxweynihii hore ee dalka Fransiiska Nicolas Sarkozy ayaa isagu na meesha ka baxay , kaddib markii uu noqday qofka sedexaad , Waxaana uu kamid ahaa Murashixiintii taageerada u fidiyay Mr Fillon si uu uso gallo wareega labaad ee codbixinta axada dambe dhici doonto.

Balse waxaa hadda taageeradiisu korortay oo loolanka kula jira ra'iisal wasaarihii hore, Mr Francois Fillon. Musharaxa ku guuleysta doorashada xisbiga dhexdiisa ayaa la filayaa in xilka Madaxtinimada dalka Fransiiska kula tartamo hogaamiyaha midigta fog Marine Le Pen .

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®