SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
20/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Gudoomiyahii Ururka Saxaafadda Dalka Masar oo Xukun Maxkamadeed Lagu Riday

Maxkamadda Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa xukuno ku riday Gudoomiyaha Ururka Saxaafada dalka Masar Yehia Kalash iyo laba kale oo ka tirsan guddiga kadib markii lagu eedeeyay inay qarinayeen dad danbiilayaal ah.

Mas’uuliyiintaan ayaa lagu xukumay 2-sano oo xarig ah

Maxkamadda Magaalada Qaahira ayaa dul dhigtay sidoo kale dammaanad 10,000 poundka Masaarida ($ 615) ee mid kasta oo iyaga ka mid ah oo ay ku jiraan xoghayaha guud ee ururka shaqaalaha mudane Gamal Abdelrahim iyo madaxa guddiga xorriyaadka Khalid Elbalshy.

Saddexdaan Mas’uul ayaa waxa ku socotay maxkamad tan iyo June ka dib markii booliska weerareen xarunta ururka bishii May 2, halka oo ay kasoo qabteen saxafiyiinta Mahmoud Sakka iyo Amr Badr oo lagu eedeeyay in ay daabaceen warar been ah islamarkaana ay kiciyeen dibad baxyada.

Dhanka kale ururada u dhaqdhaqaaqa Xaquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay taalabada Maxkamadda magaalada Qaahira ay xukunada ugu Riday Madaxdaan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®