SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
20/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Waqtiga Dib Loo Bilaabayo Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Hir-shabeelle oo La Shaaciyay

Guddiga doorashada maamulka Hir-shabeelle oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar Caasimada Maamulkaas ayaa sheegay in dib loo dhigay doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka federaalka Soomaliya ilaa maalinta arbacada ah kadib israsaaseentii dhawaan ka dhacday Magaaladaas.

Gudiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay iney ku howlanayeen xalinta gacan ka hadalkii dhawaan ka dhacay magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle, laakiin ma aysan sheegin sida laga yeeli doono musharixiintii dartood loogu dagaalamay magaalada Jowhar.

Dhawaan Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Xasan Nuux oo kamid ahaa musharixiinta xubnaha aqalka Hoose ayaa markii uu xaqiiqsaday in looga adkaanayo hadii uu tartamo wareega labaad waxaa uu kiciyay buuq, isagoo ka baxay hoolka shirka, islamarkaana dad taageersan ay damiyeen korontada howlka shirka jowhar, waxaana kadib bilowday buuq iyo gacan ka hadal dhex maray ergada labada dhinac taageersaneyd.

Dhanka kale warar lagu kalsoonaan karo ay halayso idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya In Ciidamo ka Tirsan kuwa Midowga Afrika Amisom in lagu wareejin doono xarunta shirka Magaalada Jowhar si ay kaga hortagaan in la carqaladeeyo doorashada aqalka hoose.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®