SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
20/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo la filayo in ay Kulmaan Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubba-land waxaa maanta kuwada kulmaya Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guulleed iyagoo kawada hadlaya dhameystirka wada-hadalada Colaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug.

Kulanka oo ka dhacaya Magaalada kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubb-land waxaa ka qeyb galaya Madaxwenayaasha Puntland yo Galmudug, Hogaamiyaha martida loo yahay ee Jubba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug Gaas iyo guuleed ayaa dhawaan Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kuwada gaaray heshiis dhigaya in xabad joojin laga dhaqan galiyo Magaaladaas oo mudooyinkii dambe lagu dagaalamayay, islamarkaana lakala durjiyo Ciidamada labada Maamul.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®