SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
20/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

QM oo ka hadashay doorashada Aqalka Hoose ee Somalia

Wakiilka Gaarka ah Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating oo la hadlay warbaahinta ka dib markii uu shalay gaaray Magaalada Baydhabo , ayaa waxa uu ka hadlay howlaha doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda caasimdaha dowlad goboleedyada dalka.

Micheal Keating oo ka hadlayay doorashada xildhibaanada ka imaanaya degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu sheegay in ilaa iyo hada la doortay tiro ku dhow 26 kursi , islamarkaana madaxda maamulka Koonfur Galbeed looga baahan yahay in ay dar dargeliyaan howlaha doorashooyinka xildhibaanada Aqalka Hoose.

Waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobey ay fududeynayso howlaha doorashooyinka xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Micheal Keating ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay wax lagu farxo in ciidanka ammaanka maamulka Koonfur Galbeed oo ay taageerayaan ciidanka AMISOM in ay xaqiijiyaan ammaanka goobta ay ka socoto doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose.

Ugu dambeyntii Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaalbisan Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay dardargeliyaan maamul goboleedyada howlaha doorashooyinka dalka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®