SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Guddiga Doorashooyinka oo 3 maalmood u qabtey in ay doortan Aqalka hoose maamul goboleedyada

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa Maamul goboleedyada kale ee aan weli qaban doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ugu baaqay iney 3 maalin ee soo socota iney ku qabtaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya deegaanadooda.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay In ay muhiim tahay in maamul goboleedyada dhiman iney dadajiyaan qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Afhayeenka Guddiga Hirgelinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya Maxamed Keynaan ayaa Warbaahinta u sheegay in Maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya iney dadajiyaan dhismaha Aqalka Hoose isla markaana ay ergooyinkooda doortaan Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya deegaanadooda.

Waxa uu sheegay in waqtiga uu yar yahay loona baahan yahay in 3 maalmood ee soo socota lagu dhameeyo qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®