SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

QM oo shaacisay tirada Ciidan ee Kenya looga Dilay Weerarkii Ceel-Cadde

Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay khasaaraha ka dhashay Weerarkii Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhigii Ciidamada Kenya ay ku la haayeen Degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo .

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay in Weerarkaasi uu ahaa mid xoogan islamarkaana lagu Dilay ugu yaraan 150 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Kenya.

Qaramada Midoobay sidoo kale waxaa ay shaacisay in Weerarkaasi ay qaadeen Xarakada Al Shabaab ay ku dhinteen 12 Ruux oo Shacab ahaa, kuwaasi oo ka mid ahaa Shacabka ku dhaqan Deganka Ceelcadde.

Marka laga tago warbixinta Qaramada Midoobay waxaa jiray warar is qilaafsan oo ka soo baxayay tirada lagu Dilay Weerarkii ka dhacay Degaankaasi.

Madaxweynaha Soomaaliaya ayaa mar ku sheegay tirada Ciidamada Kenya looga Dilay Gobolka Gedo in ay gaarayeen 180 halka Al Shabaab-na ay shaaciyeen in ay Dileen ku dhawaad 200.

Sikastaba, Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay Saraakiisha Ciidamada Kenya in ay dayaceen adkeynta difaaca albaabka hore ee Xaradii ay ku la haayeen Degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo, taasi oo sahashay in Al Shabaab ay Weerar ku galaan gudaha Xaruntaasi.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®