SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweyne Xasan oo sheegay in aysan jirin Meel ay Dowladda Soomaliya Colaad ka Hurisay

Madaxweynaha Dowladda Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaliya aysan wax shaqo ah ku laheyn colaada xiligan ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee u dhaxaysa Maamulada Galmudug iyo Puntland.

“Meel ay dowladda Soomaliya colaad ka hurisay ma jirto xiligaan, wax door ahna kuma lahan, cid ay qalbi kala jirto dowladda Soomaaliya ma jirto, dhowr jeer ayaa ka codsanay in dagaalka la joojiyo maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaa ka shaqeynay heshiiskii December 2015-kii oo Beesha Caalamka goob joog ka aheyd”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la hadlay Tv-ga Universal.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in colaada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ay jirto qarni ka badan, isla markaana aanay aheyn dagaal maanta ama shalay soo bilowday, isagoo soo hadal qaaday heshiisyadii ay horay u gaareen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahu Yuusuf Axmed iyo Jen, Ceydiid ee lagu dhameynayay colaada Gaalkacyo.

Dhowr jeer oo Hore Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa lagu eedeeyay in ay hurinayso Colaada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug islarmarkaana ay garab taagan tahay dowlad Goboleedka Galmudug.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®