SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

BaarlamaankaHir-shabeelle oo Maanta Dooranaya Xubnaha Aqalka Sare ee Maamulkaas

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa maanta Magaalada Jowhar ee caasimada Maamulkaas waxa ay ku dooran doonaan xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya deeganada maamulkaas.


Maalintii shalay oo Taariikhda ay ku beegneed 06/11/2016 ayaa lagu waday in la dhageysto qudbadaha musharixiinta islamarkaana la doorto balse dib ayay u dhacday kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ay ka hor yimaadeen wax ka bedel uu ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Osoble liiskii Musharaxiinta Aqalka sare.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Bare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta la dooran doono Xubnaha Aqalka sare ee deeganada Hir-shabeelle ka imaanaya , iyadoo gelinka hore ee maanta la dhageysanayo khudbadaha Musharaxiinta.


Magacyada Xubnaha Musharixiinta Aqalka Sare
1-Xasan Axmed Haaruun iyo Aadan Axmed Xuseen
2-Faadumo Abuukar Mahdi, Drs Naciimo Shiikh Maxamuud,Fartuun C/qaadir
Faarax, Sacdiyo daa’uud Maxamed iyo Axmed Sayid Axmed
3-Maxamed Cismaan Faarax(Dhagajun) iyo Cumar Cismaan Cilmi
4-Bashiir Maxamed Aadan iyo Cabdnuur Ibraahin Farey,Cismaan Mocow iyo
Siraaji Shiikh Isxaq Cabdulle.
5-Maxamed Awow Shiikh Cismaan iyo Maxamed Xasan Geedi
6-Muuse Xasan Yalaxow(Muuse suudi) iyo Xasan Cali Caadle
7-Maxamed Xuseen Raage iyo Keyse Diiriye Nuur
8-Jaamac Xuseen Xaashi iyo Proff Cismaan Maxamuud Duflle.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®