SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Gaalkacyo oo ay ali kasii socoto Rasaas Goos Goos ah oo ka dhaceysa ila shalay

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Magaalada laga Maqlaayo Raasaas goos goos oo ku dhaceysa Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Rasaasta la sheegaya in tahay mid culus sida ay sheegeen dadka kunool xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Waxaana xalay magaalada ka baxay dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa labada dhinac oo ay ka kala taliyaan maamulada Puntland iyo Galmudug,kuwaa soo maalmihii u dambeeyay kusoo laabtay Magaalada ka dib markii la sheegay in ay heshiiyeen madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan.

Shalay ayaa magaalada waxaa ka dhacay dagaal culus oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab u badan oo ku sugnaa xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkaasi ayaa waxaa loo qaaday isbitaalada ku yaalla Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Intla la xaqiijiyay Dagaalkii shalay ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhimatay inka badan 30 Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 80 Qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®