SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Donald Trump oo weerar afka ah ku qaaday dadka Soomaaliyeed

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa markale dhaliil xoogan kusoo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee kunool Dalka Maraykanka.

Donald Trump ayaa sheegay in Soomaalida ay musiibo weyn ay ku yihiin Minnesota iyo sidoo kale gobolada ee ay ka degan yihiin dalka Mareykanka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Soomaalida kunool Minnesota ay u nugul yihiin in ay la shaqeeyaan kooxda Daacish oo uu sheegay in Qaarkoodba ay ku biireen.

“Qaxootiga aadka u faraha badan ee ay Soomaalida ay ka mid yihiin waa musiibo aad u weyn oo soo gaartay dalka Mareykanka gaar ahaan Minnesota , waxa ay la shaqeeyaan kooxda Daacish , ma ahan dadka Aqoon leh ama xirfad leh marka waa ay iska yimaadeen halkaani si khaldana waa loo dejiyay guul fiican mahan taasi” ayuu yiri Donald Trump.

Donald Trump ayaa wacad ku maray hadii uu noqdo madaxweynaha dalka Mareykanka in aysan iska imaan doonin dadka Soomaaliyeed dalka Mareykanka ,islamarkaana ay go’aan adag ay ka qaadan doonaan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®