SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faahfaahino horudhaca Khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda Gaalkacyo

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka aroortii ka bilowday Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Abaare 6:00 Aroorimo ee Saaka ayaa dadka fara ku tiriska ah ee kusoo haray Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo , waxa ay kusoo baraarugeen daryanka Madaafiicda ay isweydaarsanaayaan ciidamada maamulada Puntland iyo sidoo kale Galmudug.

Xaalada Gudaha Magaalada ayaa caadi ah , laakiin waxaa marar qaar kusoo dhacaaya Madaafiicda ay ridayaan ciidamada Puntland iyo Galmudug sida ay sheegeen dadka qaar kunool Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa ka socda Meel Magaalada u jirta 8 Km.

Waxaana Xaafadaha Qaarkood oo ay ka mid ah Xaafada Garsoor oo ku dhow goobta lagu diriraayo lagu soo waramaya in ay ku soo dhaceen Madaafiic kuwaa soo burburiyay guryo ay leeyihiin dad shacab ah.

Ilaha Caafimaadka gobolka Mudug ayaa sheegay in ku dhawaad 15 qof oo dhaawaca lasoo gaarsiiyay isbitaalada Koonfurta iyo sidoo kale Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in ay dagaalka ay ku dhinteen ku dhawaad 4 ruux oo ah labada dhinac ee ku dagaalamaya Magaalada Gaalkacyo.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®