SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Qaar ka mida syaayiinta Puntland oo Kasoo Horjeystay Sida ay u Dhacday Doorashada Aqalka Hoose

 

Siyaasiga Daahir Cabdulqaadir Muuse Ciiro ayaa ku tilmaamey kuwa aan waxtar la hayn Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Cusub ee laga soo Doortay Deegaanada Maamulka Puntland.


Daahir Ciiro ayaa Sheegay in Musuq-maasuq Cadaalad Daro ay ku Dhacday Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ku matali-doona Maamul Gobaleedka Puntland oo Shalay lagu soo gaba-gabeeyay wajiga kowaad Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobalka Nugaal.

Siyaasi Ciiro ayaa Xusay in aan loo Cadaalad Sameyn Musharaxiinta u tartamay Aqalka Hoose waxa uuna intaa ku daray in si Sharci daro ah lagu bixiyey Codeynta Doorashada si Shaqsiyaad gaara ah ay uga mid noqdaan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya asagoo tilmaamay xubnahaas aysan Waxtar u Yeelan doonin Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed islamarkaan ay ka fiirsan doonaan sidii ay u heli lahaayeen Lacagtii Sharci Darada aheyd ee lagu soo Doortay waa siduu hadalka u dhigee.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Deegaanada maamulka Puntland oo uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdi Barre Jabrill iyo Golayaasha Maamulka Puntland ayaa ka soo Horjeestay qaabka ay u Dhacday Dooraashada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaliya ee Magaalada Garoowe shalay ka dhacday.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®