SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Warar ku saabsan Dagaalka ka socda maanta magaalada Gaalkacyo



Wararkii ugu dambeeyay ee inaga soo gaaraya Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan weli in uu socdo Dagaalkii u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu sii xoogeystay oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen Dad Goobjoogayaal ah.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo kala gaaray labada dhinac iyo sidoo kale dad shacab ah.

Wada hadaladii u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa burburay, maadaama Dagaalkooda markale uu ka Qarxay Magaalada Gaalkacyo.

Dhawaan Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis kuwada gaaray dalka Isugu taga imaaraadka Carabta Waxaana ka mid ahaa qodobadii lagu heshiiyay in dagaalka la joojiyo.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®